Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cabdirisaaq Khaliif Axmed U Doortay Guddoomiye

Hargeysa, (HCTV) – Golaha wakiilada Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed u doortay guddoomiyaha golaha wakiilada cusub ee Somaliland, halka guddoomiye ku xigeenka 1aad loo doortay Siciid Mirre Faarax  oo kasoo baxay xisbiga UCID, guddoomiy ku xigeenka 2aad ayaa isna loo doortay Cali Xaamud Jibriil oo isna UCID kasoo baxay.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ee maanta la doortay Cabdiraaq Khaliif Axmed, ayaa ku guulaystay codad dhan 42 cod wuxuuna 3 cod dheeraaday Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo kasoo baxay xisbiga Kulmiye helayna 39 cod.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada, ayaa loo doortay Siciid Mirre Faarax (Giire) oo kasoo baxay xisbiga UCID kana tirsana isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID wuxuna ku guulaystay codad dhan 41 cod  isagoo 1 cod dheeraaday Cumar Jaamac Faarax oo kasoo baxay xisbiga UCID helayna 40 cod.
Jagada guddoomiye ku xigeenka 2aad ayaa loo doortay Cali Xaamud Jibriil oo kasoo baxay xisbiga UCID kuna guulaystay 43 cod isla markaana wuxuu 5 cod dheeraday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo kasoo baxay isla xisbiga UCID belse ka tirsana isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID wuxuuna helay 38 cod.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa shirguddoominayay doorashada oo hab gacan taag ah u dhacday.

Aadan Xaaji Cali ayaa guddoominta doorashada lagu wareejiyay kadib markii mucaaradku ka biyo diideen xildhibaan Yaasin Maxamuud Xiir Faratoon oo ahaa shakhsiga ugu da’ada wayn oo markii hore la doonayay in uu shirguddoomiyo doorashada, waxayna mucaaradku ku doodeen in Faratoon aanu guddoomin karin madaama oo uu musharax yahay.