Yoweri Museveni Oo Sheegay Inay Magdhaw Siin Doonaan Dad Rayid Ah Oo Ciidamadoodu Ku Dileen Gudaha Soomaaliya

Kampala, (HCTV) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa qirtay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM ay dad rayid ah ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musavani ayaa sheegay in askarta ay cadho darteed u dileen dadka rayidka ah, isagoo intaas ku daray in gacanta lagu dhigay kuwii ka dambeeyay falkan, ayna wajihi doonaan Maxkamad.
“Dhawaan waxaa na soo gaaray kiisas la xiriira dhimashada dadka rayidka ah ee Soomaaliya, koox askar ah ayaa dishay dad rayid ah. Dhammaan dadka ku lugta leh dhacdada waa la dacweyn doonaa ”ayuu yiri madaxweynaha Uganda.
“Qofna waa inuusan ku lebisan dharka ciidanka isagoo aan ixtiraamin dadka. Laguuma oggola inaad garaacdo qof xitaa dambiilayaasha, ”ayuu ku celiyay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in ay magdhaw siin doonaan ehelada dadkii ay ciidamada dalkiisu ku dileen Shabeellaha Hoose.
Todobaad ka hor ayay aheyd markii ciidamada Uganda ee AMISOM ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Shabeelle, kadib qarax miino oo ka dhacay meel u dhow Shalaanbood.