Maraykanka Oo Sheegay Inay Afghanistan Ka Fulin Doonaan Weerarada Argigixisada Ee Ka Gaystaan Soomaaliya Oo Kale

Washington, (HCTV) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ka bixitankooda Afghanistan uusan ka dhignayn in ay faraha kala baxayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argigixisada ee dalkaas ku sugan.

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa sheegtay in Maraykanku uu si lamid ah Soomaaliya iyo Yemen uu kooxaha argigixisada ku beegsadan doono gudaha dalka Afghanistan.
“Mareykanka wuxuu awood u yeelan doonaa inuu ka fuliyo Afghanistan hawlgallo argagixiso la dirir ah iyada oo aan ciidan halkaas joogin, si lamid ah tusaalooyinka Yemen iyo Soomaaliya,” ayuu tiri, Jen Psaki.
Tani waxay timid kadib markii Mareykanka uu ku dhawaaqay Isniintii inay dhammeystireen ka bixitaankii Afghanistan, muddo 20 sano kadib.
“Waxaan awood u leenahay adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan, inaan qaadno weerarro ka dhan ah argagixisada doonaya inay na dhibaateeyaan. Sidaad ogtihiin, waddan ka waddan, oo ay ku jiraan meelaha sida Yemen, sida Soomaaliya, qaybo badan oo Suuriya ah, iyo Liibiya , waxaan awood u leenahay inaan aadno kuwa doonaya in ay waxyeello noo geystaan. Waxaan ku hayn doonaa awooddaas Afghanistan, “ayuu yidhi Blinken.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inay jiraan weli tiro yar oo Mareykan ah, oo lagu qiyaasay inay ka yar yihiin 200 askari, kuwaas ku harsan gudaha dalka Afghanistan.