UK Oo Walaac Ka Muujisay in Al-Shabaab Saamayn Ku Yeelato Doorashada Soomaaliya

Muqdisho,  (HCTV) – Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siisay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadashay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay saameyn ku yeelato.

Kate Foster oo wareysigaan lagu weydiiyey heerka cabsida laga qabo in ay ururka Al-Shabaab saameyn ku yeeshaan doorashooyinka ka socda Soomaaliya ayaa muujisay walaac weyn oo la qabo, iyadoo sheegtay in wax kasta ay macne u yeeli doonaan hanaanka ergooyinku wax u soo dooranayaan.

“Waa walaac jira waxaanse isleeyahay waxa muhiimka ah waa geeddi socodka ergada wax dooraneysa oo sida wax loo dhigo ay macne u sameyneyn doonto, waxaan rajeynayaa inay dhici doonaan wadahadallo ay horkacayaan dadka Soomaaliyeed, si loo helo nidaam ay dadku ku codeeyaan, waana nidaam aan hadda ku jirin geedi socodka doorashooyinkaan socda,” ayey tiri.

Waxay sheegtay in tan iyo markii la gaaray heshiisyadii doorashada 17 September sanadkii hore iyo midkii 27-kii May ee sanadkaan, ay dowladda UK oo taageero ka heleysa deeqbixiyayaal caalami ah ay Soomaaliya ku taageertay lacag gaareysa $7.2 Milyan.

“UK kaalin kuma laha sida doorashada u dhaceyso waana arrin ay u madax bannaan yihiin dadka Soomaaliyeed, Waxaan isleeyahay annaga waxyaabana aan daneyno waa ilaalinta horumarka Soomaaliya ay sameysay 10-kii sano ee ugu dambeeyey, gaar ahaan guusha laga gaaray deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray sidii loo heli lahaa dhaqaale ka yimaada caalamka, si gaar ah caafimaadka iyo waxbarashada, Soomaaliyana waxay ku taagan tahay waddadii ay u xaqiijin lahayd deyn cafintaas,” ayey tiri.

Sidoo kale waxay sheegay in UK ay horay u garab taagneyd doorasho qof iyo cod ah, balse tan dabdan ee hadda la qaatay ay xiiso badan tahay doorashada heer degmo ee ka socota Puntland, taas oo hal qof iyo hal cod ah.