Feedhyahanka caanka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ka hadlay sababta uu ronaldo u imi man united

Ronaldo ayaa imi kooxda man united iyado lala xidhiidhinayo man city warbaahintuna ay sidaasi hadal haysay balse si lama filaan ah ayuu u gaadhay go aan ah inuu ku biiro kooxdiisi hore ee man united isla markana uu uga so tago koxdii uu joogay mudada 3 sano ah ee juvantus

Sida hada ay ugu farxeen tageerayaasha kooxda man united imaatinka xidigoodii wayna ee ronaldo ayay tagarayaasha juvantusna ugu farxeen imanshaha ronaldo sanado ka hor garoonka ayayna buuxiyeen kulanki u horeeyay ee u ciyaaray kooxda juventus hada waxa la sugaya inay soo buux dhaafiyaan tageerayaasha man united garoonka kulanka u so horeeya ee ay la leyihin kooxda newe castal united

Khabiib oo ronaldo saxiib yihin aya wax laga waydiiyay sababta ka danbeesa imanshaha ronaldo waxana uu sheegay sidan
(“Maan jeclayn inaan soo bandhigo wada sheekaysigayaga khaaska ah, hagaag, waxa uu ii sheegay inuu ku caajisay Italy oo uu jeclaan lahaa inuu u wareego England” ayuu yidhi Khabib oo Sport24 la hadlayay.

“Anigu sidoo kale taageere uma ihi kubadda cagta Talyaaniga, laakiin (Kulamada) English Premier League bedelo, koox kasta oo halkaas joogtaa bandhig way samayn kartaa”)
Waxana ronaldo uu ugu si daray waxan raba kubad lagu loolamayo.