Somaliland Oo Qabbatay Xayawaanka Caasha-badhida Oo Laga Dhoofinayay Dalka

Hargeysa, (HCTV) – Ciidamada Bileyska Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay 200 xabo oo xayawaanka xamaaratada ah ee Caasha-badhida oo nin u dhashay dalka Masar uu doonayay in uu si sharci daro ah dibada ugu dhoofiyo.

Sarkaal u hadlay ciidanka booliiska Somaliland ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay xayawaankan xamaaratada ah gacanta lagu dhigay xili uu maanta galinkii danbe ka dhoofinayay madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa.
“Waxaanu dadwaynaha ku wargalinaynaa in galabta garoonka diyaaradaha ee Hargaysa lagu qabtay, nin Masaari ah oo sitay shamdad buuxda oo xayawaanka xamaratada ah ee caashabadhida, taaso tiradeeda lagu qiyaasay ilaa 200 oo uu si qarsoodi ah dalka uga dhoofinayay” ayuu  yidhi sarkaalku.
Sarkaalka booliska ayaa sheegay in eedaysanihii xabsiga loo taxaabay, isla markaana ay danbi wayn tahay qofkii lagu qabto isagoo dhoofinaya nooc kamida xayawaanka duur-joog ta ah ee Somaliland.
Ciidanka ilaalada Madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa ayaa marar hore sidaan oo kale u qabtay noocyo kamida xamaaratada Somaliland oo si sharci daro ah dibada loogu dhoofinayay.