Wada-Hadaladii U Socday Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Gabi-Ahaanba Is-Taagay

Muqdisho, (HCTV) – Wada hadaladii u socday madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ayaa istaagay kadib markii habeen hore lagu guulaysan waayay in heshiis laga gaadho arrimaha la isku hayo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi -Casiis Lagtareen oo kamid ahaa dhexdhexaadiyaasha ku howlanaa xallinta khilaafka madaxda sare ee  Soomaaliya, ayaa dib ugu laabtay Koonfur galbeed.
Waxay u muuqataa in madaxdu ka tanaasuli  waayeen qaar kamid ah qodobadii la isku qabtay, iyadoo habeen hore lagu kala dareeray kulankii ugu horeeyay ee fool ka fool ahaa.
Hase yeeshee, qaar kamid ah guddiyada dhex dhexaadiyaasha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib la isugusoo laaban doono, wada hadalkuna ku dhamaan doono meel wanaagsan.
Raysal  wasaare Rooble oo shalay la hadlayay beesha caalamka ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan uu dalka ku jiro.
Rooble wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay la tashiyo, si khilaafka jira lagu xalliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga.