Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Digay Talaabo Kasta Oo Lagu Ku Marin Habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil oo garsoorka horyaala, waxaanu Raysal Wasaare Rooble uu marin habaabin ku tilmaamay guddida baadhista ee uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo.

R+aysal Wasaar=uhu waxa uu ku sheegay qoraal caawa ka soo baxay Xafíiskiisa inay sharci darro tahay in guddi  kale lagu dul magacaabo, gudi hore, waxaanu faray xeer ilaalinta maxkamadda ciiddamada qalabka sida in ay dardar galiyaan kiiska Ikraan Tahliil, si ay qoyskeeda u helaan  caddaalad madax bannaan oo ka madhan faragalin.