Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Yeeshay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Rooble iyo masuuliyiinta ka socotay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, dardar gelinta arrimaha doorashooyinka iyo waliba Kiiska Ikraan Tahliil sidii cadaalada loo waafajin lahaa.
Dhinaca Midowga Musharaxiinta waxaa kulanka fadhiyay Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble, Ridwaan Xirsi Maxamed iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale kulanka labada dhinac uga wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka daba dheeraaday ee ka dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.
“Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wada hadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simo hay’adaha garsoorka, in dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo la qaboojiyo xasaradda” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame.
Kulankaan maanta dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa waxa uu imaanaya iyada oo weli taagan tahay khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble, islamarkaana la isku dayay dadaalo lagu xalinayo khilaafkooda, kaaso natiijo la’aan kusoo dhamaaday.