Qarax Khasaare Gaystay oo ka dhacay Baledweyne

Baladweynei, (HCTV) – Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Baledweyne ayaa ka dhacay gudaha Saldhiga Booliiska degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxaan oo noociisa la sheegayo inuu ahaa miino nooca meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku dhextaala gudaha Saldhiga, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.
Duqii degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan Khaliif Garaad Rooble iyo haweeneyda laheyd Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen qaraxa, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray guddoomiyahii degmada Feerfeer Mahad Beyle iyo taliyaha Saldhiga Booliiska Baledweyne Maxamed Qoorsheel.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Baledweyne ayaa qaraxa kadib gabi ahaan xiray agagaarka Saldhiga Booliska, isla markaana bilaabay baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii dhacay.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka degmada Baledweyne oo ku saabsan qaraxa miino ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh geystay ee ka dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Baledweyne.