Waddani Oo Sheegay Inay Meel Fiican U Marayaan Wada-hadaladii U Socday Iyaga Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha Abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga WADDANI Cabdillaahi Jaamac Cismaan oo saxaafadda maanta kula hadlay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa sheegay in ay meel fiican u marayaan wada hadallada u socda Xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi.