Maraykanka Oo Soo Saaray Waaran Lagu Qabanayo Markabka Saliida Iran Sida Ee Grace 1

Washington, (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa soo saartay waaran qabasho ah oo la doonayo in lagu qabto Markabka Saladiida Iran sidan, kaas oo bishii la soo dhaafay ciidamada Ingiriisku ay qabteen kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku xadgudbay cunaqabatayn caalami ah.

Hase yeeshee Markabka The Grace 1 ayaa amar ay soo saartay maxkamada sare ee Gibraltar lagu sii daayey kadib markii 43 maalmood uu xidhnaa.

Markabka Iran ayaa ciidamada Ingiriisku ay qabteen 4 bishii July xili uu biyaha badda Mediterranean-ka kadib markii looga shakiyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii Midawga Yurub ay ku soo rogeen Taliska ka jira dalka Suuriya, oo gaashaanbuur la ah dalka Iran.

Dawlada Maraykanka ayaa iyadu isku dayaysa inay mar kale Qabsato Markabka the Grace 1 markii Ciidamada Ilaalada Kacaanka ay ku xidhiidhiyeen ama u aqoonsadeen Argagixiso.

Sida lagu sheegay Waaranka la soo saaray maalintii Jimcihii, kaas oo qaybta cadaalada ee dalka Maraykanku ay ku eedaysay Markabkaasi iyo shixnada uu sidaaba inay qayb ka tahay shixnad sharci daro ah oo u socotay dalka Suuriya oo ay ka timid ilaalada kacaanka ee Iran.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.