Magacyada Guddiga Doorashooyinka Puntland Oo La Dhamaystiray

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa dhamaystiray Guddiga ku meel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 9 Xubnood isla-markaana Afar ka mid ah uu soo Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu, ayaa waxa ku jira Dad caan ah oo uu ka mid yahay Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq oo muddo dheer ka soo shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Halkan Hoose ka Akhri Magacyada Guddiga Doorashooyinka Puntland

  1. Cabdinuur Shuukh Maxamed Isxaaq
  2. Sahra Jaamac Saalax
  3. Cali Jaamac Faarax
  4. Cabdullaahi faarax Mire
  5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle
  6. Guulleed Saalax Bare
  7. Jaamac Xirsi Faarax
  8. Xafso Salaad Maxamed
  9. Cadirisaaq Axmed Siciid

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka