Paris: Nin Toogasho Ku Dilay Mudalab Cunto Kala Habsaamay

Paris (HCTV) – Qof Macmiil u ah Meherad cuntooyinka fudud laga cuno ayaa Toogasho ku dilay Nin Mudalab ah, isagoo ku eedaynaya inaanu deg-deg ah ugu adeegin.

Macmiilka Dilka geystay ayaa ku andacooday in Mudalabku aanu si dhakhso ugu diyaarin Saanwayj uu doonayey inuu iibsado.

Booliska ayaa sheegay inay bilaabin baadhitaan ay ku samaynayaan Dilaaga, ka dib markii Dilku dhacay Fiidnimadii habeenka Jimcihii ee Toddobaadkan.

Falkan oo ka dhacay deegaanka Noisy-le-Grand suburb ee bariga Magaalada Paris ayaa Ninka geystay uu baxsaday, balse markii dambe ayaa la soo qabtay.

Shaqaalaha Ambilaas markiiba meesha yimid ayaa isku dayey inay bedbaadiyaan Ninka Mudalabka ah oo da’diisa lagu sheegay 28 Jir, laakiin ma suurto-gelin.

Mudalabka Saaxiibadii ayaa Booliska u sheegay in Dilaagu uu Macmiil u ahaa Meherad laga cuno Biisada iyo sandwich, sidaasi darteedna uu ka cadhooday wakhti dheer oo ay qaadatay in loo dhamaystiro dalabkiisa oo ahaa sandwich.

Dilkan sida fudud u dhacay ayaa ka yaabiyey Dadka halkaa Meheradaha ku haysta.

Warbaahintu ma sheegin Magacyada Mudalabka iyo Dilaaga midna.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka