Ciidammada Al-shabaab Oo Mar Kale Weerartay Saldhig Ciidammada Dawladdu Leeyihiin

Soomaaliya (HCTV) – Ugu yaraan 2 Askari oo ka mid ah Ciidammada Dawladda Soomaaliya ayaa lagu dilay, tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen, markii dagaalemayaasha Al-shabaab weerarreen Saldhig Ciidammada dawladdu ku leeyihiin Koonfur-galbeed, sida laga soo xigtay Masuuliyiin.

Weerarka ayaa ka dacay deegaanka Daynuunaay, taasi oo 25KM Koonfur kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda u ah Maamul-gobolleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

“Sabtidii (Shalay) Dagaalemayaasha ka mid ah Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa weerarray Saldhigayaga ku yaalla Daynunay..” ayuu yidhi, Ibrahim Khayre oo ka mid ah Saraakiisha Millatariga isagoo ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaanu intaa ku daray “Waxaan kuu xaqiijin karaa in Laba Askari la dilay, kuwo kalena ku dhaawacmeen weerarka..” ayuu yidhi, isagoo khadka Telefoonka ugu warramayey Wakaaladda Wararka ee Anadolu oo HCTV soo xigtay.

Wakaaladdu waxay sheegtay in Ciidammada Dawladda oo markii hore lagala wareegay Saldhiggu ay markii dambe Maamulkiisa dib ula wareegeen.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Toddobaadkii hore Al-shabaab sidan oo kale u weerartay Saldhig Ciidammada Dawladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka