Ardayad Ka Timid Israel Oo Maydkeeda Laga Helay Ethiopia

Dankil, (HCTV) – Aya Na’amana, oo ah ardayad Israeli ah oo lagu waayey lamadagaanka Danakil ee waqooyi-bari ee dalka Ethiopia, ayaa maydkeeda laga helay lamadagaankaasi maalintii shalay.

Gabadhan oo da’deeda lagu sheegay 21 jir ka soo socdaashay Israel iyada iyo koox arday ah si ay usoo arkaan lama dagaankan Dankila sal desett oo la sheegay inuu yahay meesha ugu kulul dhulka guudkiisa.

Markii ay maqleen in mid ka mid ah ardaydii usoo socdaashay dalka Ethiopia la waayey, ayaa kooxo ka socda Magnus International Search & Rescue, oo ah xarun maarayn deg-deg ah oo ballaadhan iyo adeeg bixiya goob gurmadka iyo samata bixinta, ayaa bilaabay raadinta gabadha yar.

Aasaasaha Hilik Magnus, ayaa sheegtey in Na’amana muddo dheer maqnayd, marka loo eego goobtii lagu waayey. – Waa aag aad u adag. Heerkulka aad ayuu u sarreeyaa, ”ayuu ku yidhi masuul khadka taleefanka kula hadlay Radio 103FM.

Subaxnimadii Axadda Na’amana maydkeeda ayaa la helay, waxaana markiiba warka dhimashadeeda loo sheegay qoyskeeda oo Israel degan iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda, oo bilaabay inay ka shaqeyso sidii ay Maydkeeda ugu celin laheyd Israel si loogu aaso.

Gudoomiyaha Reuven Rivlin ayaa la hadlay Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa ka codsaday inuu gacan ka geysto sidii loo dardar gelin lahaa baadhida maydka gabadhan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.