Madaxweynaha Afghanistan Oo Balan Qaaday Inuu Burburin Doono ISIL Kadib Weerarkii Xafladda Arooska

Kabul, (HCTV) – Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa balan ku qaaday inuu tirtiri doono kooxda loo yaqaano ISIL oo xili dalkaasi uu isku diyaarinayey dabaal dega maalinta madaxbanaanidiisa lagu qaaday weerar lagu beegsaday xafladd aroos oo ka dhacaysay caasimada dalkaasi ee Kabul maalintii shalay.

Ghani oo ka hadlayey maanta mar uu booqday qaar ka mid ah qaraabadii weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa ku dhintay.

Weerarkan lala beegsaday xafladda Arooska ayaa waxa ku dhintay dad tiradoodu gaadhayso 63 qof oo ku sugnaa munaasibada Arooska oo ay qabsanayeen bulshada laga tirada badan yahay ee Shia Hazara galbeedka magaalada Kabul.

Sidoo kale waxa weerarkaasi ku dhaawacmay 182 qof oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

“Waanu u aar gudi doonaa dhibic kasta oo dhiig ah oo ka daadatay dadka shacabka,” sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha Afhanistan Mr Ghani.

“Dagaalka iyo halganka aanu ku wajahayno ISIL waanu sii wadi doonaa, waxaanu qaadi doonaa talaabooyin aar gudasho ah oo aanu xididada ugu siibayno.” Ayuu intaasi raaciyey madaxweynaha dalka Afhanistan.

Madaxweynaha dalka Afghanistan ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay kala qaybqaataan dedaalada ay ku doonayaan inay kooxdaasi ISIL ay kula dagaalamaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.