Millateriga Turkiga Oo Taageeraya Jabhadaha La-dagaalamaya Dawladda Suuriya

Idlib (HCTV) – Colonyo Ciidammada Turkiga ah ayaa gudaha u galay deegaano ka mid ah Idlib, dalka Suuriya.

Ciidammada Turkishka ah oo la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Khan Sheikhoun ayaa doonaya inay taageeraan Maleeshiyaad Turkigu taageero oo dagaal kula jira Ciidammada Dawladda Suuriya eek u gedaaman Gobolka Idlib.

Laakiin, Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo taageeraya Ciidammada Dawladda Suuriya ay bar-tilmaameedsadeen meel u dhow Jidkii ay Ciidammada Turkigu uga gudbeen Magaalada Khan Sheikhoun, Waqooyi-galbeed Dalka Suuriya.

Urur Fadhigiisu yahay UK oo la socda Dagaalka Suuriya ayaa sheegay in ka hor inta Ciidammada Turkigu aanay gaadhin Idlib la dilay mid ka mid ah Jabhadda ay taageerayaan Ciidammada Turkigu, halka laba kalena laga dhaawacay.

Wakaaladda Wararka ee Suuriya ee Sana ayaa sheegtay in Kolonyo Ciidammada Turkiga ahi gaadheen Khan Sheikhoun oo Idlib ka mid ah, si ay u caawiyaan Jabhad la dagaalamaysa dawladda Suuriya.

Illaa hadda ma jirto wax hadal oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Dawladda Turkiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka