Suudaan: Eedaymaha Loo Haysto Al-bashiir Oo Maanta Maxkamadda La Geeyay

Suudaan (HCTV) – Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, kaasi oo dalka Suudaan xukumayey 30 Sanadood, ka hor intii aan saddex bilood ka hor Xilka laga tuurin, ayaa Maanta ka soo hor-muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Khartoum.

Dambiyada loo haysto Cumar Xasan Al-bashiir ayaa lagu sheegay Musuqmaasuq uu sameeyay muddadii uu xukumayey Dalka Suudaan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin inuu haystay Lacag aanu xaq u lahayn, qaadayna Hadyado Sharci-darro ah.

Qof baadhitaan ku sameeyay waxyaabaha loo haysto Al-bashiir ayaa Maxkamadda u sheegay inuu boqortooyada Sucuudiga ka helay 90 Millayn oo Dollar.

Brigadier Ahmed Ali oo ah Sarkaal ka mid ah Booliska Suudaan ayaa furitaankii Dacwadda loo haysto Al-bashiir, ayaa sheegay in Lacagtii u dambaysay ee dalka dibeddiisa uga timaadda Al-bashiir ay ka soo gaadhay Dhaxal-sugaha Boqotooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

Baadhayaasha Booliska ee u xil-saaran Dacwadda Al-bashiir ayaa iyaguna Maxkamadda u sheegay inay Gurigiisa ka heleen ($7.8m) oo Lacagta reer Yurub ah (Euro) iyo Qadar yar oo Lacagta Dollarka iyo Lacagta Suudaan.

Baadhaha ayaa Maxkamadda u sheegay in (7.8m) ee Euro ay ka ahayd 25 Milyan oo uu ka helay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, laakiin taasi ay ka sii horraysay lacago gaadhaya 65 Million dollar oo uu laba jeer u ka helay Boqor Cabdillaahi Sucuudiga, kaasi oo geeriyooday sannadiii 2015-kii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka