Cristiano Ronaldo Oo Tarabuunka Ka Daawaday Kulankii Uu Dybala Kala Diray Young Boys 

Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa xalay laga qabtay sawiro aysan farxad ka muuqan xilli kooxdiisa ay 3-0 kaga badisay Young Boys kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub, waxaana fursadda ka faa’ideystay Paulo Dybala.

Xiddiga reer Argentina wuxuu dhaliyay sadexley, wuxuuna noqday midkii 4-aad ee taariikhda kooxda sadexley ka dhaliya koobkaan xiisaha badan ee Champions League, Bianconerri ayaana haatan kali ku ah hogaanka group H.

Ronaldo xalay ma ciyaari karin kulanka maadaama uu marayay ganaaxii halka kulan ee la xiriiray casaankii uu qaatay kulankii Valencia, balse sawiradii laga soo bandhigay ma aheyn mid uu ku muujiyay xitaa inuu ku faraxsan yahay guusha kooxda.

onaldo wuxuu xalay tarabuunka la fadhiyay Georgina Rodriguez, wiilkiisa weyn ee Cristiano Junior, sidoo kale waxa sawirada kasoo muuqday hooyadiis oo xaadir ku aheyd kulankii xalay.

33-jirkaan wuxuu seegay tababarkii ay kooxdiisa sameysay isniintii markii ugu horreysay kadib markii ay soo baxda sheekadii la xiriirtay in dib loo furay kiiskii galmada xad gudubka ah ee lagu soo eedeeyay.

Ronaldo si xoog leh ayuu u beeniyay wuxuuna muuqaal soo galiyay Instagram-ka, si kastaba warbaahinta talyaaniga waxey sawiradiisa kulankii xalay ku sheegeen in xiddigaan uu mar walba jecel yahay inuu ku sugnaado bartamaha garoonka.