Ciidammada Turkiga Oo Lagu Duqeeyay Suuriya

Suuriya (HCTV) – Kolonyo Ciidammada Turkiga ah oo u socday Magaalada Khan Sheikhoun ee Waqooyi-galbeed Dalka Suuriya ayaa waxa weerarray diyaaradaha Dagaalka Dawladda Suuriya.

Ciidammada Turkishka ah oo la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Khan Sheikhoun ayaa doonaya inay taageeraan Maleeshiyaad Turkigu taageero oo dagaal kula jira Ciidammada Dawladda Suuriya ee ku gedaaman Gobolka Idlib.

Wargeyska Daily Sabah oo soo xiganaya Wakaaladda Wararka ee Demirören News Agency ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Dawladda Suuriya duqeeyeen Kolonyada Gaadiidka Ciidammada Turkiga ee ku socday Khan Sheikhoun.

Warku ma sheegin wax khasaare ah oo soo gaadhay kolonyada Ciidammada Turkiga ee diyaaradaha Suuriya duqeeyeen, balse wuxuu sheegay in Kolonyadu ku sugan tahay Goob amaan ah.

Arrimahan ayaa imanaya xilli Maalmihii u dambeeyay ay dagaallo qadhaadh ka socdeen duleedka Magaalada Khan Sheikhoun oo Ciidammada Dawladdu doonayaan inay ka qabsadaan Maleeshiyaadka ka soo horjeeda, laakiin Turkiga ayaa doonaya in Magaaladaasi ka bixin Gacanta Mucaaradka uu taageero.

Turkiga iyo Dalalka reer Galbeedka ayaa doonaya in xukunka laga tuuro Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad, laakiin waxa diiddan isla-markaana taageeraysa Dawladda Ruushka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka