Somaliland: Dirawaliinta Gaadiidka Dowladda Oo Dugsi Tababbar Loo Furay

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u daah-furtay dugsi waxbarasho oo loogu talogalay inay aqoon iyo xirfad dirawalnimo oo casri ah ka helaan dirawaaliinta ka shaqeeya gaadiidka kala duwan ee dowladda, halka sidoo kale halkaas lagaga dhawaaqay in la beddelay liisankii hore waraaqda ahaa ee ay isticmaali jireen dirawaaliinta dowladdu.

Xafladda lagu daah-furay Dugsigan casriga ah oo la qabtay shalay, waxa ka qaybgalay Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha, saraakiil ka socda Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka iyo masuuliyiin kale oo dowladeed.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo madashaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeedada dugsigan casriga ah loo furay ay tahay sidii wax looga qaban lahaa shilalka gaadiidka oo uu xusay inay dhibaato weyn ku ahaan dalka Somaliland.

“Maanta ma jirto dhibaato ka badan dhibaatada shilalka gaadiidka, sannad kastana dad ayaa ku dhinta, markaa anagu iyadoo aannu isticmaalayno ujeedooyin badan waxa aannu jecelnahay in aannu dhinno (hoos u dhigno) shilalka gaadiidka, laakiin bartilmaameedkayagu waxa weeyeen in shilalka gaadiidka hoos loo dhigo ilaa 50%, markaa Insha Allaah dhawaan waxaynu daah-furi doonaa qalabkii lagu xaddidayey xawaaraha gaadiidka (Speed governor), sidoo kalena MOT (qalabka lagula socdo xaaladaha iyo heerka tayada gaadiidka) ayaa isaguna inoo iman doona. Waxa aynu mamnuuci doonaa qaar ka mid ah gaadiidku ay dalka yimaadaan oo waxa aynu samayn doonaa in gaadiidkeennu uu yeesho da’ (age) uu dalka ku soo galo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa aannu jecelnahay in Wasaaradda Waxbarashadu ay naga saaciddo oo aanu is leenahay fure ayey u tahay waa basaska albaabka ku leh dhinaca khaladka ah ama dhanka waddada xigta oo laga mamnuuco inay carruurteena (ardayda) ay qaadaan basaska noocaas ah, iyadoo ay jirto wareegto hore loo soo saaray oo ahayd in la mamnuucayo gaadiidka dhinaca gurracan albaabka ku leh ama basaska dadka ku roga dhinaca waddada xigta. Anagu waxa aannu ballanqaadaynaa xuquuqda dirawaliinta gaadiidka dowladda, haddii ay noqoto dhinaca mushaharka iyo haddii ay noqoto waqtiga ama saacadaha uu qofku shaqaynayo.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo sheegay in dugsiga wax lagu barayo dirawaaliinta gaadiidka dowladda iyo liisanka cusub ee gaadiidka dowladda lagu kaxaynayo ay yihiin mid loogu talogalay in wax lagaga qabto shilalka gaadiidka, isla markaana sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha dirawaliinta.

“Ujeedada laga leeyahay waxa weeyaan in la yareeyo shilalka gaadiidka ee ka dhacaya waddanka. Sida aannu Wasaarad ahaan ognahay in shilalka ka dhaca waddanka Somaliland  in ka badan 70% waxa ay u dhacaan masuuliyad-darada  dirawalka, balse maaha waxa ay dadku yidhaahdaan oo ah waddooyinka ayaa xun, laakiin waxa sababa masuuliyad-darada dirawalka, waxaanna taas caddayn u ah hay’adaha ajaanibka ah ee dalka jooga ama dalka ka hawlgala waxa ay soo dejiyaan xeer ah in aannu dirawalkoodu ku socon wax ka badan 80% (80kmph), gaadhi walbana intaas ayey ku wadaan, wayna yartahay hay’ad (Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah) uu gaadhigeedu shil galay, waddooyinka aynu isticmaalnaana waa waddooyinka ay inala isticmaalaan uun,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Dhinaca kale, qoraal uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku ku faafiyey barta facebook-giisa, ayuu kaga hadlay dugsiyada waxbarashada dirawaliinta gaadiidka dowladda iyo liisanka cusub ee lagu beddelay liisankii warqadda ahaa ee hore ay dirawaliinta dowladdu u isticmaali jireen.

“Maanta (shalay) waxa noo qabsoontay xaflad ballaadhan oo ay ka soo qaybgaleen, Wasiirrada Wasaaradaha Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Waxbarashada iyo Sayniska, Maareeyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Baro-kacayaasha, Guddi-hoosaadka arrimaha gaadiidka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, Mac-hadka IBBLS, Mac-hadka Hargeysa Nursing school iyo marti sharaf kale oo tiro badan, taas oo lagu daah-furayay iskuul (dugsi waxbarasho) casriya oo lagu tababari doono wadayaasha gaadiidka dowladda, macallimiinta iskuulada barashada xirfadda wadista iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, taas oo qayb ka ah hargalinta siyaasadda gaadiidka dowladda ee lagu ansixiyay kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Wasiirrada bishii September ee sannadkii 2018.

Sidoo kale, waxaannu soo bandhignay liisanka waddista gaadiidka dowladda oo casri ah, oo ay qaadan doonaan dhammaan darawaliinta gaadiidka dawladda tababarka ka dib, iyada oo si rasmi ah loo joojiyay dhammaan liisanadii hore ee lagu kaxayn jiray gaadiidka dawladda (GT) ee warqadda ahaa,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Baro-kacayaasha Somaliland, kuwaasoo sheegay inay aad ugu faraxsan yahay daah-furka dugsiyada barashada dirawalnimada ee dowladda, iyagoo xusay in shilalka gaadiidku ay sababaan khasaare xooggan oo dhinacyo kala duwan leh, waxayna xuseen inay ku ammaanayaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka dedaalada la doonayo in wax lagaga qabto shilalka gaadiidka, iyagoo masuuliyiintaasi sheegay in barashada dirawalnimadu ay door weyn ka qaadan doonto sidii loo heli lahaa dirawaaliin aqoon u leh xirfaddaha dirawalnimada, waxa kaloo ay soo dhaweeyeen in la beddelay liisankii hore ee dirawaliinta gaadiidka dowladda, loona sameeyey liisan cusub.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka