Dagaal U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Hadaaftimo

Badhan, (HCTV) – Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Badhan, kadib markii uu deegaankaasi uu socdaal ku tagay gudoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland.

Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalkaasi hase yeeshee ma cada inta uu leegyahay Khasaaruhu.

Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in Gaadhigii Gudoomiyaha Badhan ee Somaliland ay qabsadeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Ilaa iyo hada ma jirto cid labada dhinac ka tirsan oo ka hadlay dagaalkan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkan kala soco HCTV.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.