Madaxweyne Xigeenka Puntland Oo Ku Gacan Saydhay Wadahadal Madaxweyne Deni Ugu Baaqay Somaliland

Garoowe, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland ayaa ku gacan saydhay wadahadal Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu ugu baaqay Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash waxa uu tilmaamay inuu ka soo horjeedo Wadahadalo shuruud la’aan ah oo lala galo Somaliland, isla markaan wadahadaladaasi ay ka hor imanayaan Dastuurka Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay HCTV ayaa u dhignaa sidan;-

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.