Maleeshiyaad Ka Dagaalama Suuriya Oo Iskaga Baxay Gobolka Idlib

Idlib, (HCTV) – Maleeshiyo Mucaarid ah oo ka dagaalanta dalka Suuriya ayaa iskaga baxay magaalada Khan Shaikhoun oo ah magaalada ugu balaadhan gobolkaasi oo dagaal culus uu maalmihii u dambeeyey uu ku dhexmarayey Maleeshiyadaasi iyo ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Bashaar Al-Assad.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in gabi ahaanba ay maleeshiyadu ay banaysay oo ay iskaga baxday magaalada Khan Shaikhoun kadib markii ay magaaladaasi isku xeereen ciidamada dawlada Suuriya.

Mid ka mid ah dadka ku sugan deegaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada ka baxay gobolka Idlib oo magac ahaan ku hawlgala Jaish al-Izza, isla markaana xidhiidh la leh Jabhada Turkigu taageero ee al-Jabha al-Wataniya lil-Tahrir (the National Liberation Front, NLF) – kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay waayey taageeradii kooxdaasi.

Sidoo kale War-saxaafadeed ka soo baxay kooxda ugu weyn ee ka dagaalanta dhulkaasi Suuriya oo la yidhaa Hay’et Tahrir al-Sham (HTS) oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida ayaa tilmaamay in sababaha ay uga baxeen ay tahay in ay dib isku soo abaabulaan oo ay difaacaan koonfurta Khan Sheikhoun.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.