Burkina Faso: 24 Askarta Dawladda Ah Oo Lagu Dilay Weerar Argagixiso

Burkina Faso (HCTV) – Madaxweynaha  Burkina Faso aya sheegay in ugu yaraan 24 Askarta Dawladda ah lagu dilay weerar lagu qaaday Saldhig Ciidammada Dawladdu ku leeyihiin Waqooyiga Dalkaasi.

Madaxweyne Roch Kabore ayaa qoraal uu soo saaray Salaasada Maanta ku sheegay in ka sakow 24 dhintay ay dhaawacmeen 7 Askari oo kale, illaa haddana la la’yahay Shan Askari.

“19-ka August, waxay nolosha Ciidammadeena Qaranka u tahay Mugdi.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Kabore sida lagu baahiyey Website-ka Madaxtooyada Burkina Faso “Waa

Ciidammada Burkina Faso ma caddaynin Cidda Weerarka ku qaadday ee ka dishay 24-ka Askari, balse waxay ku eedeeyeen Weerarka ‘Argagixiso’, sida ay baahiyey Al-jazeera oo HCTV soo xigtay.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay mid culus oo khasaarihii ugu badnaa gaadhsiiyey Ciidammada Burkino Faso inta ay dagaalka kula jiraan kooxaha Xagjirka ah.

Maalmihii la soo dhaafay Weerarro ayaa ka dhacayey Koutougou oo u dhow Xadka Burkino Faso la wadaagto Maali.

Ciidammada Burkino Faso oo doonaya inay jawaab ka bixiyaan Weerarkan khasaaraha badan ka soo gaadhay ayaa bilaabay hawl-gallo ay diyaarado ka qayb-qaadanayaan.

Dalka Burkino Faso ayaa waxa weerarrada ugu badan kaga yimaaddaan Koox Islaamiyiin ah oo Magacoodu yahay Ansarul Islam group.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka