Golaha Amaanka Oo Loo Gudbiyey War-bixin Lagu Xusay Fashilka Wada-hadallada Somaliland & Somalia

N/York (HCTV)  – Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay  António Guterres, ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u gudbiyey War-bixin dheer oo uu kaga hadlayo Xaaladda Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto.

Mr. Guterres ayaa War-bixinta uu u gudbiyey Golaha Amaanka kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya Xaaladda Soomaaliya, khilaafaadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ee la xidhiidha muranka Xuduudda.

Xogyaha guud wuxuu si gaar ah War-bixintiisa ugaga hadlay Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Xaaladda Deg-degga ah kaga qaaday Degmooyinka Galbeedka Gobolka Sanaag, Xaaladdaa deg-degga ah oo Madaxweynuhu ku soo rogay ka dib markii ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Beello halkaa wada dega, Dagaallaas oo ay ku dhinteen Dad gaadhaya 18 Qof.

Guterres wuxuu War-bixintiisa ku xusay in Madaxweynaha Somaliland uu 25 June qaaday Xaaladdii Deg-degga ahayd ee Degmooyinka Gobolka Sanaag, balse Shaqaaqadii Beelaha u dhaxaysay soo laba kaclaysay 7 illaa 8-dii July, 2019.

Dhanka kale, War-bixinta wuxuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in inyar oo Horumar ah laga sameeyay in loo soo nooleeyo Wada-hadalladii hakaday ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib markii Xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ay qabatay kulan la doonayey in isugu keeno Labada dhinac, laakiin 17 July uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay Guddi dhinaciisa u matasha Wada-hadallada, laakiin Guddigaasi ay Somaliland ku gacan-saydhay.

Waxa kale oo War-bixintan lagu xusay Maxaabiis dhan 17 oo Somaliland iyo Puntland ku kala qabsadeen Dagaalkii Tuke-raq oo ay la kala wareegeen 17-kii July, 2019.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka