Jubba-land Oo Xidhay Xuduudaheeda Badda, Cirka, Dhulka (Akhri Sababta)

Kismaayo (HCTV) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa soo saaray Go’aan lagu xidhayo Xuduudaha Badda, Dhulka iyo Cirka ee Maamulkaasi, illaa 23-ka bishan August, 2019.

Guddiga amniga ee Maamulka Jubbaland oo Maanta yeeshay kulan ay sugidda Amniga ee Maalinta doorashada, ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in laga bilaabo 20-ka bisha August illaa 23-ka bishan ay xidhan yihiin Xuduudaha Puntland ee dhulka, Cirka iyo Badda, isla-markaana aanay habeenkii dhex mari Karin Ciidan ahaan ahayn Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland.

War-saxaafadeedkan oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan hoose:-

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka