Deg-deg: Somaliland Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Badhasaabkeeda Badhan

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Weerar Ciidamo Puntland ah ku qaadeen badhasaabka Gobolka badhan ee Somaliland, Salaasadii Maanta.

Lama oga khasaaraha ka dhashay Weerarkaa la sheegay in lagu qaaday Badhasaabka Gobolka Badhan iyo illaaladiisa oo watay hal gaadhi oo Tikniko ah, laakiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo Caawa la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay dhacdadaa kaa xun yihiin.

Wasiir Diiriye oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dhacdo aanu aad uga xunnahay ayaa ka dhacday Gobolka Badhan,  waxa weerar soo qaaday Ciidamo uu hoggaaminayo Nin Taliye ah oo ka socda Punland, waxay jid-gooyo u galeen Badhasaabka Gobolka Badhan, Ciidankayagu way iska difaaceen, inkasta oo ay wateen Tikniko Lix Baabuur ah, Xaggayaga Hal Gaadhi oo Tikniko ah iyo gaadhigii badhasaabka ayay ahaayeen.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waanu ka xunnahay dhacdadaa, Madaxweynuhu waakii Maalintii dhawayd hadlayey (Madaxweynaha Puntland), uma muuqdo nin ku deg-degsan dagaal, hasa-yeeshee waalla isku hoos jiraa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waanu ka xunnahay Farantaa soo furantay, Ciidammada Somaliland-na faraha la gafi maayaan, haddii Dalkooda ama Xuduudkooda lagu soo xad-gudbo.”

Wasiirka Warfaafinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland wuxuu sheegay in aanay faraha ka laaban doonin gardarro dambe “Badhasaabku Gobolkiisa ayuu tagayaa, Xaruntiisa ayuu fadhiisanayaa, Ciidammada Somaliland-na u dul-qaadan maayaan gardarradaa Maanta dhacday..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaaciyey “Madaxweynaha waxaanu leenahay meesha Rag Odayaal ah ayaa Maaamuli jiray oo Cabdillaahi Yuusuf, Faroole iyo Cadd Muuse ka mid yihiin ee ha laga digtoonaado in dhibaato ka soo korodho Xadkaa aynu wadaagno, Dadkaa ood-wadaagta ahna yaan dhibaato la dhex dhigin..”

Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow Degmada Hadaaftimo, ayaa imanaya Maalmo uun ka dib, markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni uu sheegay inuu diyaar u yahay Wada-hadallo nabadeed oo dhex mara Somaliland.

 

Horn Cable T v

Waaxda ONLINE-ka