Indonesia Oo Ciidamo U Daadguraysay Gobolka Papua Oo Dibadbaxyo Ku Faafeen

Jakarta, (HCTV) – Dawladda Indonesia ayaa ciidamo ka badan 300 askari u daadguraysay gobolka galbeedka Papua oo dibadbaxyo ay ku faafeen, waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in xabsi ku yaalay halkaasi la jabsaday, khasaarana uu ka dhashay dibadbaxyaaadi ka socda gobolkaasi.

Wasiirka Amaanka ee dawlada Madaxweyne Jako Widodo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dawlada Indonosia ay ciidamo tiro badan ay halkaasi ku dirtay si ay uga hortagaan dibadbaxyo la filayo inay ka dhacaan maanta oo Arbaca ah.

Wasiirka Amaanka Wiranto ma uu cadayn nooca ciidamada loo daadguryeeyey gobolkaasi inay yihiin Milatari iyo inay yihiin Booliis toona, hase yeeshee muuqaalo la baahiyey ayaa tilmaamayaa in boqolaal ciidamo Milatari ahi ay u socdaaleen Manokwari, oo ah caasimada gobolka Galbeedka t Papua. Halkaas oo ah meeshii dibadbaxyada rabshada watay ay markii ugu horaysay ka bilaabmeen maalintii Isniintii, kuwaas oo sababay khasaaraha burburta dhismayaal dawladu leedahay iyo goobo ganacsi oo dab la qabadsiiyey.

Major General Sisriadi, oo ah afhayeenka ciidamada milatariga Indonesia oo la hadlay Telefishanka Al Jazeera maanta oo Arbaca ah ayaa u sheegay in Milatarigu ay u direen 300 ciidan ah magaalada Manokwari.

Waxaana dibadbaxa ka hor loo diyaariyey inay tagaan gobolka Galbeedka Papua hal Battalion oo milatariga dalkaasi ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.