Maraykanka Oo $8 billion Kaga Iibiyey Taiwan 66 Diyaaradaha Dagaalka Ee F-16

Washington, (HCTV) – Waaxda arimaha dibada ee dalka Maraykanka ayaa meel marisay in maamulka dawladda Taiwan laga iibiyo 66 diyaaradaha dagaalka ee F-16, waxaana talaabadan la filayaa in ay si weyn uga cadhaysiiso dawlada Shiinaha.

Taiwan ayaa heli doonta noocii ugu dambeeyey ee diyaaradaha the Lockheed Martin-built fighter, the F-16C/D Block 70, kuwaas oo heshiisa qiimaha lagaga iibinayana ay ku dhawaaqday dawlada Maraykanku inay yihiin $8 billion oo dollarka Maraykanka ah.

Xoghayaha gaashaandhiga dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray isna ku sheegay in trump uu aqalka Congresska uu u qoray todobaadkii la soo dhaafay ogaysiin ku saabsan heshiiska hubka lagaga iibinayo Taiwan.

Waxaanu tilmaamay in diyaaradahan dagaalka ee F-16 ee laga iibinayo Taiwan aanay waxba u dhimi doonin xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka iyo China.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxa ku jira qalab kale oo ay ka mid yihiin 75 mishiinada dabka ah .

Talaabadan ayaa ah qorshe sidoo kale dawlada Taiwan ay ku doonayso inay ku horumariso hanaanka difaaca cirka ee dalkeeda xiligan maadaama oo ay sii kordhayso saamaynta ay leedahay hanaanka difaaca cirka ee Shiinaha oo horumar farabadan laga sameeyey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.