Somaliland Oo Sheegtay In La Dilay Taliyihii Watay Ciidamo Puntland Ah Oo Weeraray Gudoomiyaha Badhan

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Cadaalada Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax ayaa sheegay in la dilay Taliyihii watay Ciidan Puntland ee jid-gooyada u galay maalintii shalay gudoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sidoo kale tilmaamay in weerarkaasi ay soo qaadeen ciidamada Puntland ay jab xoogle kala kulmeen, isla markaana lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii ciidamadaasi watay, sida uu hadalka u dhigay Wasiirku.

Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo faahfaahin kaga bixiyey weerarkii maalintii shalay lagu qaaday Gudoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland, waxaanu wasiirku intaasi ku daray in aanu jirin gaadhi uu leeyahay Badhasaabka Badhan oo ciidamadaasi Puntland ay qabsadeen.

Ugu horayna isagoo arimahaasi ka hadlaya Cabdirisaaq Cali Cabdi waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan warbixin ka bixiyo shaqaaqadii ay maalintii shalay ka sameeyeen qowlaysato ka tirsan maamulka Puntland deegaamada Somaliland gaar ahaan gobolka Badhan.

Sidaad la socotaan gudoomiyaha gobolka Badhan oo dhawaan la magacaabay ayaa waxa uu halkan safar kaga tagay isagoo u socda gobolkii, markaa waxa uu maray Ceerigaabo wuxuu sii maray Yube, Wuxuu sii maray Ceelcad, wuxuu galay magaalada Hadaaftimo si fiian ayaa loogu soo dhaweeyey, markaa kadib ayaa qolo qawlaysato ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si dhuumasho ah waxay usoo dhaafeen ciidamada qaranka Somaliland ee jooga gobolka Badhan hareerihiisa, iyagoo ka soo dusay meel, dhulku waa buuray, waa dhul luuqluuqyo badan leh oo meelo badan oo laga dusduso iska leh si dhuumasho ah ayaa markii ay ka war heleen in gudoomiyihii loo soo dhaweeyey ayay dhabarka ka soo dhaafeen deegaamadaas, waxaanay gudoomiyaha u galeen meel la yidhaahdo Karin-Duushe oo Hadaaftimo iyo Badhan u dhaxaysa kadib markii uu ka baqoolay Hadaaftimo, waxba kama faa’iidiin, khasaare weyn ayaa ka soo gaadhay, jabaa ka soo gaadhay, dhibaato weyn ayay kala kulmeen, way ka shalaadeen, kuma farxin, halkaa waxa ku dhintay taliyihii ciidankaa watay ee Puntland, waxa ku dhaawacmay ku xigeenkiisii, waxay qaateen dhaawac farabadan oo kale, way carareen, ciidankii la socday gudoomiyaha Badhan ee Somaliland si fiican ayay isku difaaceen,” ayuu yidhi Wasiirka Cadaalada Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.