Soomaaliya: Webiga Shabeelle Oo Beero Ku Fatahay

Jawhar (HCTV) – Webiga Shabeelle ayaa ku fatahay Beero ku yaalla Tuulo la yidhaahdo Moyko oo u dhow Magaalada Jawhar.

Webiga Shabeelle oo Xalay Saqdii dhexe Fatahaad sameeyay ayaa qaaday Beero ku yaalla Tuulada Jawhar, sida uu ku soo warramayo Weriyaha Telefiishanka HCTV uga warrama Jawhar.

Muuqaallo laga soo qaaday Beeraha Biyaha Webigu saameeyeen ayaa muujinaya Wax soo-saarka Beerahaasi oo biyo ka hor-mareen ama ka sarreeyaan, halka qaarkoodna uu qaaday sida uu Weriyaha HCTV sheegayo.

Mid ka mid ah Beeralayda Webigu ku fatahay wax soo-saarkooda ayaa sheegay “Sababta Webigu u fatahay waxa weeyaan wuu buux-dhaafay, taasi ayaa keentay Fatahaadda..” ayuu yidi, waxaanu intaa ku daray inay saqdii dhexe ay u soo gurmadeen maamulka Hir-shabeelle.

Webiga ayaa ka fatahay meel qiyaastii 100 Tallaabo oo keliya u jirta Madaxtooyada Hir-shabeelle ee Magaalada Jawhar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka