Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Rag Lagu Qabtay 444 Litir Oo Khamri Ah

Hargeysa: Maxkamad Xukuntay Rag Lagu Qabtay 444 Litir Oo Khamri Ah

Weerar Lagu Dilay 100 Qof Oo Ka Dhacay Maali
Madaxweynaha Turkiga iyo Xisbigiisa oo Laga Gacan Sareeyay.
Injineer Turkiga U Dhashay Oo Muqdisho Lagu Dilay
3 Kursi Oo Ka Banaan Golaha Shacabka Soomaaliya
Dastuurkii Suudaan oo la laalay iyo Xaalada Deg deg ah oo Lasoo Rogay.

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa xukun ku ridday laba Nin oo la sheegay in lagu qabtay Khamri gaadhaya 444 Litir, kaasi oo lagu soo mooriyey Caagadaha Biyaha.

Garsooraha Maxkamadda ee xukunka ku riday Ragga la sheegay in lagu qabtay Maandooriyaha Khamriga oo xukunka ku dhawaaqaya wuxuu yidhi “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 374 Caagadood ee Khamriga iyo 70 quraaradood oo Dry Jiin ah. Khamrigan waxa lagu qabtay laba eedaysane oo mid maqane yahay, lana kala yidhaahdo Khadar Haybe Muxumed iyo Cabdiqani Cabdi Cabdillaahi, labadaa Nin oo caadaystayaal ah oo aanu wakhti hore Maxkamad ka siidayney ayaa Khamrigan lagu qabtay.”

Garsooruhu waxa kale oo uu sheegay “Eedaysanayaasha waxa midkiiba lagu xukumay 4 sanadood oo xadhig Ciqaabeed ah iyo min 4 Million oo Ganaax ah, waa niman Caadaystayaal ah oo dhowr jeer. Gaadhiga Khamriga siday oo Seeraf ah oo uu leeyahay Cabdiqani Cabdi Cabdillaahi waxa lagu ganaaxay 10% qiimihiisa..” ayuu yidhi.

Khamriga ayaa xukunka ka dib, waxa lagu daadiyey meel loogu talo-galay.

Maandooriyaha Khamriga oo Somaliland ka soo gala dhinaca Itoobiya ayaa faro-baas ku haya Shacabka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: