Somaliland: Wasaaradda Jidadka Oo Amar Kale Dul-dhigtay Gaadiidleyda

Somaliland: Wasaaradda Jidadka Oo Amar Kale Dul-dhigtay Gaadiidleyda

Diyaarad Siday 233 Rakaab Ah Oo Si Layaable U Cago Dhigatay Markii Shimbiro Ay Weerareen
Dibed-baxyo Lagu Dalbanayo In Zizi Iscasilo Oo Ka Socda Magaalooyinka Waaweyn Ee Masar
Netanyahu Oo Digniin U Diray Dalka Iran
14 Arrimood Oo Aad Qoomayso 50 Jirkaaga
Ciidamada Amaanka Somalia Oo Hareereeyey Guri Ku Yaala Baar Ayaan

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa soo saartay War-gelin ah in Wasaaraddu keenayso Qalab lagu xaddidayo Xawaaraha Gaadiidka, sidaasi darteedna loo baahan yahay in Gaadiidleydu iska diwaangeliyaan Wasaaradda.

War-gelinta ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaraddaasi, Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa lagu sheegay in Qalabka lagu xaddidayo Xawaaraha lagu rakibi doono gaadiidka.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku iyadoo fulinaysa Xeerka Wadamarista (Xeer L/r 56/2013) Qodobadiisa 75aad iyo 76aad oo qeexaya xadidaada xawaaraha ay ku soconayaan gaadiidku si looga hortago loona badbaadiyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay sababaan shilalka Gaadiidka .

Sida ku qeexan xeer nidaamiyaha dhismaha Wasaaraddaha & Hay’addaha xukuummadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad, inay curiso xeerarka & siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada Gaadiidka badda, cirka & dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo  

Sida ku cad Qodobka 57aad ee Xeer L/R 56/2013 oo qeexaya qaybaha kala duwan ee liisamada wadida Gaadiidka iyo noocyadooda.

Hadaba, Wasaaraddu si ay wax uga qabato kana hortagto khasaaraha Gaadiidka waxay keenaysaa qalabka Casriga ah oo loogu talo galay in lagu rakibo gaadiidka si loo xaddido xawaaraha gaadiidka (Vehicle Speed Governors).

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidku waxay soo saartay in la raaco shuruudahan hoos ku taxan:-

1)    In laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday ay waajib tahay in ay dhamaan mulkiilayaasha Shirkadaha Gaadiidku ay iska diwaangaliyaan Wasaaradda si loo hubiyo xaaladiisa badqab.

2)    In Wadayaasha Gaadiidka Shirkadaha rakaabka ay qaataan liisanka Dirawalnimo ee derejada (D), Halka wadayaasha Gaadiidka Qaadka looga baahan yahay inay qaataan liisanka derejada (C).

3)    In lagu bilaabo hawshan labada gobol ee kala ah M/Jeex iyo Togdheer, sidoo kale Gobolada kalena la gaadhsiin doono sida ugu dhakhsaha badan.

4)    Wargelintu waxa ay ku egtahay muddo 3bilood ah laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday.

5)    Cidii u hogaansami wayda awaamiirtan waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan..” ayuu Wasiirku qoraalkiisa ku yidhi.

 

Alla Mahad Leh

C/laahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL

 

COMMENTS

%d bloggers like this: