Dhinacyada Koonfurta Suudaan Oo Wada-hadallo Uga Socdaan Addis Ababa

Addis Ababa (HCTV) – Ururrada siyaasadda Wadanka koonfurta suudaan ayaa wada-hadallo uga bilaabmeen Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Wada-hadalladan ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa  ayaa la sheegay inuu ku aaddan yahay sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii ay hore u wada gaadheen dhinacyada Suudaan.

Geeska kale, kulankan ayaa lagu soo qaaday inayna urur Goboleedka IGAD ayna heerkii loo baahnaa  Ballan-qaadkii Taageero kasoo bixin, iyadoo Sidoo kale Hoggaanka Sare ee koonfurta Suudaana lagu dhaliilay in ayna heshiiska sidii loo baahnaa u fulin.

Wasiirka Arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andhaargaajew ayaa ururrada siyaasadda koonfurta suudaan ugu baaqay inay heshiiskii nabadeed ee ay gaadheen si wanaagsan u hirgeliyaan.

Wasiirka sheegay in xabad joojintii koonfurta suudaan laga hirgelyey ay aad u dhintay dagaalladii dhiiggu ku daadanayey, Qalalaasihii iyo dagaalladii sokeeye ee waddanka ka taagnaa, hasa-yeeshee aan xiligii loo qabtay lagu hirgelin nidaamyadii heshiiska.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka