Doorashada Madaxweynaha Jubbaland Oo ka Socota Kismaayo

Kismaayo (HCTV) – Xildhibaannada Baarlamaanka maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa bilaabay codbixinta doorashada Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.

Doorashada waxaa hadda ku taramaya musharax madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), Canab Maxamed Daahir, iyo mushar Maxamed Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa mid mid loogu yeedhayaa, si ay codkooda u dhiibtaan, waxaana si toos ah looga daawanayaa Telefishinada Maxalliga ah.

Hoolka doorashada waxaa ku sugan oo goobjoog ka ahh Xildhibaanada Labada Gole  ee Baarlamaanka Federaalka ee taageersan hannaanka doorashada uu waday  Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la xidhay dhammaan waddooyinka soo gala magaalada, dhaq dhaqaaq kastana waa la xadiday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka