Somaliland: Dablay Dilay 2 Dumar Ah Oo Itoobiyaan Ah, 2 Kalena Dhaawacay

Hargeysa (HCTV) – Dablay hubaysan ayaa Toogasho ku dilay Laba Dumar ah oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, isla-markaana dhaawacay laba Nin oo Oromo.

Dablayda dilay labada Oromada ah, dhaawacayna laba Qof ee kale ayaa jid-gooyo duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan meel aan ka fogayn tuulada Hallaya, waxayna Rasaas ku fureen gaadhi siday Dad Itoobiyaan ah oo doonayey inay Tahriibaan, waxayna Rasaastii ay ku fureen gaadhigu dishay laba Haweena ah oo Oromo ah, waxayna dhaawacday Laba Nin oo Oromo ah.

Sidaana waxa sheegay Taliye ku-xigeenka Booliska, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle “Niman budhcad ah ayaa Waddada u galay Niman Tahriibayaal sida, waxayna halkaa ku dileen laba Dumar ah oo Oromo ah, waxayna ku dhaawaceen laba Nin oo Oromo ah. Booliska oo hawl-gal sameeyay ayaa markiiba gacanta ku soo dhigay nimankaa falkaa sameeyay.”

Taliye ku-xigeenka Boolisku wuxuu sheegay in Guri ay galeen Ragga Jid-gooyada sameeyay laga helay khamri “Nmanka Gacan ku-dhiigleyaasha ahi Guri bay galeen, oo ay Qoryihii iyo Baskooladihii dhigeen, Ciidanku wuu ka daba galay, gurigii bay ka dhaceen, Dabadeedna Ciidanku waxay ku qabteen meel waxoogaa u jirta Guriga..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Guriga Hubka la dhigay waxa loogu tagay khamri ay tiradiisu dhan tahay 861 Litir. Waxa hayaa Hal Qof oo dumar ah oo Guriga joogtay, sidoo kale saddexda Nin ee Gacan ku-dhiigleyaasha ah ee Ciidanku qabteen way sakhraansanaayeen, iyagoo khamri cabsan ayay falkan galeen.”

Taliye Fooxle waxa kale o uu sheegay “Labadii Baabuur oo falkan lagu galay iyo gaadhigii Tahriibayaasha sidayba gacanta ayaa lagu dhigay.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka