Puntland: Xukun Kama Dambays Ah Oo Lagu Riday Rag Loo Haystay Kufsi Iyo Dil Gabadh 12 Jir Ahayd

Garoowe (HCTV) – Maxkamadda Sare ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Maanta go’aan kama dambays ah ka gaadhay dacwadda loo haystay Saddex Nin oo lagu eedeeyay inay kufsadeen isla-markaana dileen Caasha Ilyaas oo ahayd 12 Jir ku noolayd Magaalada Gaalkacayo.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Saddexda ee Kufsiga iyo Dilka Caasha Ilyaas loo haystay.

Laba ka mid ah Ragga la xukumay ayaa walaalo ah, waana maxkamaddii ugu danbeysay ee Puntland.

Dacwadda Maanta Maxkamaddu ka gaadhay ayaa soo socotay muddo lix bilood ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka