Somaliland Iyo Sucuudiga Oo Ka Wada-hadlay Qodob Ay Hore Iskula Soo Qaadeen Jabuuti & Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiintii ku wehelinaayey gudashada waajibaadka xajka ayaa galabta Hargeysa dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumadda, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.

Waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku wehelinaayey Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay ka warramay kulan ay la yeesheen Wasiirka Afrika u qaabilsan Dawladda Sucuudi Carabiya.

Wasiir Kaahin wuxuu sheegay inay Wasiirka Afrika ee Sucuudiga ka wada-hadleen arrimo la xidhiidha badda Cas “Waxaanu la kulanay Wasiirka Dawladda (Sucuudiga) ee Qaabilsan Afrika, Weftiga oo isku dhan ayuu na qaabilay, wakhti fiican ayuu na siiyey, wax badan baanu ka sheekaysanay, Su’aalo badan ayaanu jeedinay, isaguna wuu na waydiiyey..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ka wada-hadalnay Mowqifka Jamhuuriyadda Somaliland  ee Mandaqadda illaa Badda cas iyo Khaliijka Cadmeed (Gulf Of Aden), Mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay, kuwii hore ee Dawladaha Carbeed ku kala qaybsameen inaynu innagu (Somaliland) halkeedii hore taagan tahay.”

Wasiirka Arrimaha guduhu  waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu isla soo qaadnay inaynu ka wada shaqayno Nabadgalyada Mandaqadda, gaar ahaan inta aanu Mandaqadda Madlaca iskala nahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas inta aynu kaga beegan nahay, hadday tahay Budh-cad badeeda, hadday tahay Dadka La Tahriibinayo, hadday ay tahay Kalluumaysiga Sharci-darrada ah ee Badaheena ka dhaca, Arrimahaas oo dhan baanu ka sheekaysanay.”  

Ugu dambayn, Arrinta Badda Cas ee Wasiirku sheegay inay ka wada-hadleen Weftiga Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Afrika ee Sucuudiga ayaa ah qaddiyad xilligan muhiim u ah Dalalka Geeska Afrika ee Somaliland ka mid tahay, waxaana la doonayaa in la sameeyo Urur ay ku midaysan yihiin Dalalka Khaliijka Carabta iyo kuwa Geeska Afrika, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Erateriya.

Toddobaadkan horraantiisii waxa Magaalada Jabuuti arrin la xidhiidha Ururka loo samaynayo Badd Cas waxa Magaalada Jabuuti kaga Wada-hadlay Madaxweynayaasha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Somaliland ayaa leh 850KM oo ku xidhiidhsan Xeebta Badda Cas ee Dawladaha Carabta iyo Geeska Afrika doonayaan inay u sameeyaan Urur Maamulkeeda iska kaashada.

Itoobiya oo aan lahayn Bad, balse doonaysa in Ururkaa lagu daro ayaa waxa 500 Ciidammada badda ah u tababbaraysa Dawladda Faransiiska, iyadoo hore u lahayd Maraakiib.

Dadka siyaasadda faalleeya ayaa sheegaya in Dawladaha Carabta iyo kuwa Geeska Afrika aanay indhaha ka qarsan karin door ay Somaliland ku yeelato Ururka la samaynayo, sababta oo ah Istaraatiijiyad ahaan halka ay Somaliland dhacdo Khariiradda Geeska Afrika.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka