Maraykanka Oo Cadeeyey In Israel Weerar Ka Gaysatay Gudaha Iraq

Baghadad, (HCTV) – Saraakiil ka tirsan dawlada Maraykanka ayaa cadeeyey in Israel ay masuul ka ahayd duqayn lagu qaaday meelo la sheegay in dalka Iran uu hub ugu kaydsan yahay oo ku yaala gudaha dalka Iraq, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee The Associated Press.

Waxa sidoo kale jiray qaraxyo dhowr ah oo bishan gudaheeda ka dhacay xerooyin lagu tababaro ciidamo iyo bakhaaro hub oo ay leeyihiin ciidamada sida militariga u tababaran ee Xashad Al-Shacbi, oo ah maleeshiyo xulufo la ah Iran.

Israel ayaa si joogto ah u beegsata bartilmaameedyo Iran ay ku leedahay Syria, hase yeeshee inay ololoheeda ku ballaariso Iraq, ayaa dhaawaceysa xiriirka Washington iyo Baghdad.

Sarkaal sirdoon oo Bariga Dhexe ku sugan ayaa sheegay in Israel ay bishii tagtay duqeysay saldhig ku yaalla waqooyiga Baghdad, halka laba sarkaal oo Mareykan ah ay sheegeen in Israel ay maalmihii dhowaa dhowr jeer weerartay Baghdad.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.