Kenya Oo Ka Hadashay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo, (HCTV) – Dawladda Kenya ayaa bogaadisay dib u doorashada markii saddexaad madaxweynaha maamul gobolleedka Jubbaland loogu doortay Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] kadib doorashadii shalay ka dhacday Kismaaayo dib loogu cumaamaday.

War qoaral ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Somalia loogu baaqayo  inay la shaqeyso dowlad Goboleedka Jubaland, isla markaana wixii ka  dhex-jira ee khilaaf ahna wadahadal lagu xaliyo laguna dhameeyo si wadajir ah.

Warkan ka soo baxay dowladda Kenya ayaa kusoo aadaya xilli  warbaahinta dalkaasi qaarkood ay horay u qorayeen in dowladda Kenya ay taageereyso in dib loo doorto Axmed Madoobe, iyada oo sidoo kale  doorashadii shalay ee Magalada Kismaayo ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in aanay aqoonsaneyn.

Kenya ayaa ka hor doorashada qoraal ay soo saartay waxaa ay uga digtay beesha caalamka in la fara-galiyo hannaanka doorashada loo waday, madaama wakiilada beesha caalamka marar badan oo hore ku cel celiyeen in la saxo qaladaadka jira si loo qabto doorasho la wada ogol yahay oo fursad siineysa dhamaan musharixiinta.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa u dhignaa sidan:-

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.