Berbera Oo Kalluun Yaraan Soo Food Saartay

Berbera, (HCTV) – Magaalada Bebera ee xarunta gobolka Saaxil ee Somaliland oo ay ku taalo dekeda ugu weyn ee laga soo dajiyo Kalluunka ayaa waxa saddexdii maalmood ee u dambeyeyey laga dareemeyey kalluun yaraan xoog leh oo jirta.

Sidoo kale waxa xidhan meheradii waaweynaa ee kalluunka lagu soo dajin jiray ee loo yaqaanay processor-ka, kuwaas oo qaybo ka mid ah gobolada Somaliland u kala diri jiray kalluunkaasi.

Waxa sidoo kale xidhan goobihii iyo meheradihii lagu shiili jiray kalluunka oo ay isticmaali jireen dadka ku dhaqan magaalada Berbera, waxaana inta badan la iska dhigay doonyihii keeni jiray kalluunka oo la iska dhigay dekedan Berbera, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Gobolka Saaxil uga soo warama HCTV.

Sidoo kale kalluun yaraantay soo food saartay magaalada Berbera ayaa waxay kordhisay qiimaha lagu iibiyo kalluunka ay magaalada soo galiyaan midhadh doonyo ah oo kalluun tiro yar sida.

Telefishanka caalamiga ah ee HCTV oo u kuur kalay arintaasi ayaa qaar ka mid ah kalluumaysatada Barbara oo uu la dhex maray makarafoonku waxa ay sheegeen maadaama oo xiligan ay tahay xiligii ay ka dhici jireen Badda dabayn xagaagu in dabayshaasi ay sabab u tahay Kalluun yaraanta, sidaa darteedna aan badda la gali karyan.

Kalluumaysata magaalada Berbera ayaa sheegay in wakhti xaadirkan Kiilooga Kalluunka ahi uu magaalada Bebrea uu ka marayo SLSH20,000.

HORN CABLE TV,