Siyaasi Cabdinaasir Seeraar Oo Ku Dhawaaqay In Loo Doortay Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo, (HCTV) – Siyaasi Cabdinaasir Seeraar oo hore u ahaa Afhayeenkii maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in garabka mucaaradka ee Jubbaland ay u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Talaabadan ayaa ka dhigaysa in in muddo laba maalmood gudahood Jubbaland ay yeelatay saddex Madaxweyne oo mid kastaaba uu sheegay in la doortay.

Sidoo kale Cabdirashiid Maxamuud Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isaguna ku dhawaaqay inuu Madaxweyne ka yahay maamul goboleedka Jubbaland.

Maanta ayay ahayd markii Kulan magaalada Kismaayo ka dhacay ay taageerayaasha iyo qaar ka mid ah musharixiintii Isbadal Doonka Jubbaland ay kaga dhawaaqeen in Cabdinaasir Seeraar yahay madaxweyne Jubbaland, waxaana muuqata in garabkii mucaaradka ee musharixiintii Isbadalka Doonka hadda labo garab u sii qeybsameen.

Kismaayo ayaa u muuqata in ay cagaha galisay khilaaf siyaasaded oo xoog leh, waxaana arintan u eg tahay sanadkii 2013 oo Jubbaland yeelatay ilaa shan Madaxweyne oo iskood isku caleemo saaray.

Xubnahan isku caleemo saaray inay yihiin Madaxweyneyaal ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Magaalada Kismaayo markii saddexaad Madaxweyne loogu doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) inuu Madaxweyne ka noqdo maamulka Jubbaland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.