Somaliland: Ciidamo Ka Soo Jeeda Badhan Oo U Diga-rogtay Puntland

Badhan, (HCTV) – Ciidamo ka soo jeeda deegaanka Badhan oo hore u taabacsanaa Somaliland ayaa sheegay inay u digo-rogteen dhinaca maamul goboleedka Puntland.

Ciidamadan oo uu horkacayey Gaashaanle dhexe Yaasiin Cismaan Saalax oo ku sugnaa deegaanka Badhan ayaa sheegay in ciidamo uu masuul ka ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, gaar ahaana guutada 117aad, laga bilaabo maanta ay ku biireen maamulka Puntland oo wixii hada ka dambeeya ay ciidamadooda ka mid noqon doonaan.

Gaashaanle Dhexe Yaasiin Cismaan Saalax oo ka hadlayey munaasibad ay masuuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo socdaal ku yimid deegaanka Badhan ay ku soo dhaweynayeen si ay ugu muujiyaan inay usoo digo-rogteen dhinacooda Puntland ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Aniga oo ah gaashaanle dhexe Yaasiin Cismaan Saalax, kuna sugan gobolka badhan, halkan waxa ku sugan ciidankii aan masuulka ka ahaa oo ka tirsanaa ciidanka Somaliland gaar ahaana guutada 117aad, madaxdan sharafta leh ee ka socda Puntland waxaan leeyahay soo dhawaada, ciidankiinii waa kan saaka waxay ku wareegeen Puntland, calamkana waa laga taagi doonaa. Anaga oo cidna aan wax ka sheegayn cidna aflagaadaynayn, marka la yidhi Caarraa waxa uu ka cararay cadaalad daro, cadaalad daradaa jirta iyo duruufo kale oo deegaanka ka jira ayaanu ugu hilawnay in aanu Puntland ka mid noqono oo difaaca dalka iyo Qarankaba aanu daacad u ahaano.” Ayuu yidhi Gaashaanle Dhexe Yaasiin Cismaan Saalax oo isagu sheegay inuu masuul ka ahaa ciidankaasi ka tirsanaa Somaliland ee ku biiray maamul goboleedka Puntland.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa isaguna sheegay in ka Puntland ahaan ay il-gaar ah ku hayn doonaan ciidamadaasi ka midka noqday Puntland, waxaanu yidhi Afhayeenku “Waxaan halkan ka cadaynayaa inaad maanta go’aansateen go’aan taariikhiya oo dadka gobolka iyo dadka deegaanka Puntland iyo ka Soomaaliyeedba saamayn weyn ku leh oo u mudan in aad diideen in Soomaali kala go’do, oo aad ku soo laabateen dadkiinii iyo deegaanadiinii aad wax la dhisateen ee dawladda Puntland.

Waxaan ku faraxsanahay inaad soo digo-rogateen xili aad dawladdu ay lambarka koowaad ka dhigatay arimaha ciidamada oo ay helayaan wax kasta oo ku saabsan in ciidmaada aad xoog loo saaro, ciidamaduna ay yihiin qodobka koowaad ee tayaynta iyo tirakoobka,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Hase yeeshee Gudoomiyaha gobolka Badhan, Maxamuud Xaamud Cumar oo isagu caawa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in maamulkii iyo ciidamadii Somaliland ee ku sugnaa  Gobolka Badhan ay sidoodii u joogaan gobolka Badhan, balse uu jiro shakhsi isagu tagay dhinaca Puntland oo halkaana aan waxba ku soo kordhin doonin, halkana aan waxba kala tagin oo ku fashilmay hawlihii Qaranka Somaliland uu u hayey, sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyaha gobolka Badhan, Maxauud Xaamud Cumar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.