Tunisia Oo Xidhay Nabil Karoui Oo Ah Musharax Madaxweyne

Tunis, (HCTV) – Dawlada Tunisia ayaa xidhay Nabil Karoui oo ah musharax Madaxweyne iyo aaasaasaha telefiishan madaxbanaan oo ka hawlgala dalkaasi, sida ay sheegayaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga musharaxaasi ka sharaxan yahay.

Siyaasigan la xidhay oo da’diisu tahay 56-jir ayaa ah ninka ugu xooga badan ee tartan adag lagala kulmi karo tartanka doorashada 15-ka September, oo dalkaasi laga qaban doono kadib markii bishii la soo dhaafay uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi Tunisia Beji Caid Essebsi.

Musharaxan Madaxweyne ee Nabil Karoui ayaa lagu eedeeyey lacago la maydhaamay horaantii bishii July waxyar uun ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu u taagan yahay doorashada, isla markaana uu noqday musharaxa ugu cadcad.

“ku dhawaad 15 gaadhi oo bileys ah ayaa wadada ku horgooyey gaadhiga Nabil Karoui kuwaas oo ka dibna gaadhiga ka soo dhex kaxaysan, waxyar uun ka hor markii ciidamo bileys ah oo dharcad ahaa ay waydiiyeen isaga inuu raaco, iyagoo tilmaamaya inay doonayaan inay xidhaan ,” sida uu yidhi Oussama Khlifi, oo ka mid ah xisbiga Qalb Tounes party oo uu hogaamiyo Nabil Karoui, maanta oo Jimce ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.