Baarlamaanka New Zealand Oo Qaaday Talaabo Ka Duwan Dhigooda Kenya

New Zealand, (HCTV) – Baarlamaanka dalak New Zealand ayaa lagu soo dhaweeyey marti cusub miiska gudoomiyaha Baarlamaanka ee laga daadihiyo doodaha golaha.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka New Zealand Trevor Mallard ayaa qabtay, quudiyeyna ilo yar oo bil jira oo uu dhalay xildhibaan Tāmati Coffey, isagoo afhayeenku daadihinayey dooda, isla markaana dhagaysanayey doodaha xildhibaanada golaha ku sugan.

“Caadiyan afhayeenku waxa uu doodaha golaha hogaamin jiray isagoo kalidiiya, balse maanta marki aad iyo aad u muhiim ahaa dooda ila daadihinaysa, “ ayuu yidhi Afhayeen Mallard oo muuqaalka isagoo ilmaha yar quraarad caano ku siinaya la soo dhigay twitter-ka.

Muuqaal video ah ayaa muujinaya Mallard oo luxaya ilmaha yar isla markaana dhagaysanaya dooda. Waxaanu ku wargaliyey xildhibaanada in wakhtigii ka dhacay, ogolaansha arintaasina ay ka timid ilmaha yar.

Dadka oo Baraha bulshada iyagu faalooyin kaga dhiibtay ayaa ku amaanay Mallard iyo Coffey. “Waad ku mahadsan tihiin midaynta qoyska inaad caadi ka dhigtaan,” halka mid kalena uu twitterka ku soo qoray isagoo ka jawaabaya sawirka Mallard uu soo dhigay, kaas oo qaray “Waxaanu u baahanahay in aanu in badan aragno sidan oo kale. Meelaha shaqadu waxay u baahan yihiin inay la qabatimaan si kor loogu qaado dhaqankan oo kale.”

Dhinaca kale Toobadii bishan August ayay ahayd markii xildhibaanad Zuleika Hassan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo ilmo yar oo ay dhashay la soo gashay fadhiga golaha kadibna Gudoomiyihii Baarlamaanka dalka Kenya Christopher Omulele uu amar ku bixiyey in dibada looga saaro haweenaydii xildhibaanada ahayd, taas oo ay ka dhalatay cambaarayn loo jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.