Nerendra Modi Oo Ku Dhawaaqay Inuu Bahrain Ka Dhisayo Macbad Hindu-gu Leeyihiin

Manama, (HCTV) – Hogaamiyaha Qaranimadoonka Hindiya ayaa ku dhawaaqay inuu malaayiin dollar uu ku kharash garayn doono meel ay ku cibaadaystaan dadka Hindu-ga ah oo uu ka sameeyo Boqortooyada Bahrain, halkaas oo bulsho badan oo oonfurta Asia ka soo jeedaa ay ku nool yihiin.

Nerendra Modi ayaa dhawaaqan sameeyey xili booqashadiisii ugu horaysay uu ku marayey todobaadii dhamaaday, kaas oo ujeedadiisu ay ahayd in dawladda Hindiya ay weerar dul dhigtay Muslimiinta Aqlabiyada ku ah gobolka Kashmir.

Raysal Wasaaraha Hindiya waxa uu sheegay inay ku maalgalin doonaan lacag ka badan $4 million mashruuc dib loogu casriyeynayo Macbud 200-sano jira oo la yidhaa Sree Krishna temple oo ku yaala caasimada boqortooyada Bahrain ee Manama, sida uu maalintii Jimcihii uu ku waramay wargeyska the Hindustan Times oo ka soo baxa dalkaasi Hindiya.

Kala badh shacabka Bahrain ayaa ah Shaqaale ka yimid Koonfurta Asia.

Waxaanay sidoo kale ay hoy u tahay bulsho balaadhan oo qoysas ganacsato Hindus ah, kuwaas oo usoo haajiray boqortooyada ka hor intii aan kaydka shidaalka laga helin.

Socdaalkan Modi ayaa sidoo kale ku soo beegmay xili dareenka aduunku uu ku wajahan yahay Maamulka Hindiya ee gobolka Kashmir, kaas oo si khilaaf leh ay meesha uga saartay xukuumada New Delhi horaantii bishan is xukun hoosaadkii Kashmiriyiinta.

Taas oo sidoo kale ay India jartay isgaadhsiintii Kashmir, iyadoo xanibtay dhamaan dhaqdhaqaaqa gobolkaasi.

Ugu yaraan 4,000 qof ayaa la xidhay intii la laalay xeerka badbaadada shacabka guud, oo ogolaanaya in dawladdu ay qof kasta xidhi karto ilaa laba sano xukun la’aan, taas oo ahayd go’aan ka yimid Raysal wasaare Modi laftiisa.

Waxaana ciidamada bileyska oo ku hubaysan sunta gaasta ah ee dadka ka ilmaysiisa iyo rasaasta cinjirka ah in lagu hujuumo dibadbaxayaasha.

Hase yeeshee dhamaan dalalka Carabta ayaa lagu eedeeyey inay afka ka xidheen arintaasi, iyadoo dadka wax falanqeeyaa ay sheegayaan in xidhiidh ganacsi oo gaadhaya sanadkii $100 billion uu dhexmaro dalalka gacanka Carabta iyo dalka Hindiya.

Hogaamiyaha dalka Hindiya ayaa sidoo kale qorsheeyey inuu booqdo Isku taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo dawladda dalkaasi ay isaga ku abaal marin doonto abaalmarinta ugu saraysa shacabka ee dalkaasi Imaaraadku bixiyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.