Muqdisho: Dhisme Xaflad Aroos Ka Socotay Oo Dumay + Dad Dhaawacmay

Muqdisho (HCTV) – Inta la ogyahay 20 Qof ayaa ku dhaawacmay Dhisme ay Xaflad Aroos ka socotay oo Dumay.

Dhismahan oo Dabaq ah ayaa ku yaalla Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa socotay xaflad  loo qabtay Lamaane is aroosay, waxaana la sheegay inuu si lama filaan ah u soo dumay, iyadoo sababtana loo malaynayo inuu Xamili waayay Culayska Dadka Xafladda joogay oo ka badnaa intii hore ugu noolayd, maaddaama oo uu duug ahaa.

Dadka dhaawacmay ayaa tiradooda lagu sheegay illaa 20 Qof oo Qoysaska ay ka soo kala jeedaan Arooska iyo Aroosadda ah, sida Haweenay goob-joog ahayd u sheegtay Warbaahinta.

Shilkan oo Xalay dhacay ayaa la arkayey Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ah oo Dadkii dhaawacmay u qaadaya Cisbitaallada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka