Dad Dalbanaya In La Bakhtiiyo Kaymaha Amazon Oo Dalalka Dunida Isugu Soo Baxay

London (HCTV) – Boqollaal Dadweyne ah ayaa Dibed-baxyo ka dhigay Magaalooyinka Dunida qaarkood, sida London iyo Madrid, iyagoo Dawladda Brazil ugu baaqaya inay wax ka qabato Gubashada Kaymaha Amazon.

Dab ayaa Toddobaadkii u dambeeyay ka holkacayey Amazon oo ah Kaymaha Adduunka ugu ballaadhan, isla-markaana ay ku nool yihiin Xayawaannada kala duwan ee Dunida laga xiiseeyo.

Dibed-baxayaasha oo sita boodhadh ay ku qoran yihiin Hal ku-dhegyo ay ku muujinayaan Ahmiyadda Kaymaha Amazon u leeyihiin Dunida, ayaa ka dibed-baxooda ka hor sameeyay Safaaradaha Dalalka Yurub ay ku leedahay Brazil.

Dadkan oo sidoo kale isugu soo baxay Magaalada Bogota ayaa Madaxweynaha Brazil, Jairo Bolsonaro ugu baaqay inuu qaado Tallaabo lagu bedbaadinayo Kaymahaasi.

Madaxweynaha oo baaqyadaa dhego-nugayl u muujinaya ayaa Ciidammaa Amray inay ka qayb-qaataan bakhtiinta Kaymaha Amazon.

Amazon ayaa ah Kaymaha ugu ballaadhan Adduunka, inta la ogyahayna maaha markii koowaad ee dab ka kaco.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka